Skip to main content

MA XAQIIQ BA IN SOOMAALIDA TURKIGA JOGTA AY DHIB KU QABAAN TURKIGA.

  Qormadaan kooban waxaan ku eegi doona Soomaalida ku nool Turkiga kuwaaso u kala  qeybsama Arday, Qoysas iyo Ganacsato. Waxaan wax yar taaban doona intaynan u gudbin Soomaalida warbixintooda, bulshada Turkida. 

         BULSHADA TURKIDA Sidaan wada ognahay bulsho kasta oo ku nool dal, magaalo ama tuulo waxay ledahay dhaqan, cadooyin iyo hab nololeed u gaara taaso keenaysa inay wada noladaan. Waxaana cid kasta oo bulshada kuso biirta ku waajiba inay xushmeyaan sido kale ilaalin shuruucda iyo xerarka u dagsan bulshada ay u yimadeen. Turkiye waa wadan muslim ah oo ku yaala Qarada Yurub sido kale mar ka tirsanaan jirey Asia. Haddaba bulshada Turkiga ama dawlada Turkiye waxay ledahay dastuur kaso waafaqsan sida ay bulshada qaybaheeda kala duwan ugu nolaan lahayeen.

      BULSHADA SOOMAALIDA Sido kale Soomaalidu waa bulsho leh dhaqan,cadoyiin iyo dawlad sido waxay leyihiin dastuur ama hab nololeed iyaga u gaara si lamida bulshoyiin caalamka. Soomaaliya waa dal muslim ah oo ku yaala bariga Qaarada afrika. Soomaaliya waxay leedahay dastuur kaso waafaqsan sida ay qaybaheeda kala duwan ugu wada nolaan lahayeen.

N/B: Turkiye iyo Somalia waa labo wadan oo walaala oo ay ka dhaxayso diin, luuqad iyo tariikh soo jireen ah oo soo bilaamatay xiliga cusmaniyiinta. Xiriirka labada wadan ee xiliga waa mid ku suntana xiriir dhaqaale, mid istarajiyadeed iyo mid ganacsi oo aad u xoogana.

   Kadib burburkiya dawladi dhaxe ee Soomaaliye 1991 iyo burburki boqortooyadi Cusmaniyiinta 1923 waxaa u xirirka labada dal dib uso noqday 2016 kaso Madaxwayne Urdogaan uso gaaray Somaaliya isago la kulmay dhigiisa Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud. Inta ka dib waxay labada wadan dib uso cesheen xirirki soo jireenka ahaa iyago garaay mid cusub oo dhinac kasta. 

   Heshiishka ka dib dawlada waxay Turkiye u ogaladaan in bulshada Somaliyeed ay imaan karaan gudaha Turkiga iyago isla marka u imaan kara qab ganacsi, waxbarsho, Dalxis iyo iwm. kadib maxa dhacay marki arda Somaaliyed iyo gacacsatada Soomiyeed ay yimadeen gudaha Turkiga. waxaa dhacday in Soomaalidi waxbarashada u timi dib loo celiyo sido kale ganacsatadi laga saaro gobohoodi ganacsi ay ku ganacsan jireeen. Suashu waxa weye maxay arintaan ku dhacday sideese ku timi?

Qormadeena Qeybta hore waxaan kuso qaadanay in bulsha kasta oo meel ku nool ay leyihiin Dastuur waafaqsan habka ay bulshadaasi u nolaanayso sido kale ay jiraan sharciyo haddi la jabiyo ciqaabtoda la marayo. Kadib ogalaanshihi Soomalida inay yimaado Turkiga waa dhacday inay jabiyaan sharciga wadanka haddu ahaan laha kan ganacsiga, dagnaashaha wadanka iyo kan waxbarashada. 

W/Q: ABDIHAFID HASHI MOHAMED HAMBO.

                                                             DHAMAAAD.


  


 

Comments