Kooxaha ugu dhaqaalaha badan dunida waxaa ka mid ah real madrid, Barcelona, Manchester united iyo manchester city sido kale waxaa jira kooxo kale oo lacag haysta sida liverpool, chelsea iyo juventus. Haddaba ma iswaydisay side kooxahan ku noqdeen kooxaha ugu dhaqaala badan dunida. Qormadeena waxaan ku eegi doona maxay tahay sababta iyo sirta ka dambeesa inay helaan dhaqaale inta leeg.
Soomaaliya ma jiraan kooxo dhaqaale sameeya sida kooxahaan oo kale dabcan jawaabtu waa maya. maxaa ka hortagan iyo side ku heli karaan dhamaan waxaad ka bogan doonta qormadaan.
Marka koox ay rabto inay hesho dhaqaale tusaale ahaa kooxda real madrid ama kooxaha calaamka waxa jira habab kala duwan ay dhaqaale ku sameyaan sida inay helaan Sponsorships, Transfers, Ticket sales, New ownerships, licencing rights and Broadcasting Rights.
1.Sponsorships Kubada caalamka waa mid aad ula xiriirta Sponsorshipka tusaale ahaan in kooxdu ay magaca kampaniga ku qorato xaga hore ee malyada kooxdu ku ciyaarto taaso keenaysa in kampanigu u dhaqaale ku bixiyo magacisa isaga oo siinaya kooxda lacag taso faaido u ah kooxaha.
2.Transfers Kooxuhu waxay soo gataan ciyaartoy sido kalena waxay iska iibiyaan ciyaartoy taaso keenaysa in kooxdu hadday ciyaartoy iska iibiso ay ka helayso lacag tusaale ahaan kooxda juventus 2018 waxay soo iibsatay Cristiano Ronaldo iyado ay kaso bixiyeen 116 milyan heshiish gaaraya 4 sano. Haddaba kooxda real madrid waxay heshay lacag dhan 116 milyaan sido kale kooxda juventus waxay 500 kun oo yuuro ka heshay daabacada funaada uu ku ciyaari laha Ronaldo.
3.New ownerships Waxa jira ganacsato maalqabeen ah kuwaso iibsada kooxaha si ay dhaqaale oga helaan lakiin kooxdana dhinaceda qofka iibsada dhaqaale ayey ka hesha tusaale kooxaha machester city iyo Psg waxaa gatay malqabeeno caraba iyago ugu deeqay dhaqaale xoog leh si dakhliga kooxda u kor ugu kaco oo ay ciyaartoy uso iibsadaan.
N\B sido kale kooxuhu waxay dhaqaale ka helaan xayisiinta ay u sameyaan kampaniyada soo saara baaburta, dharka, kabaha, cuntada, Qalabka technologyada iyo iwm. taaso keenaysa xayisiinta inay ka helaan dhaqaale xoogan.
4.Ticket sales kooxaha caalamka dhaqaalaha ugu badan waxay kaso galaan xaga tikeedka garoonka lagu galo iyada oo ay ku xiran tahay tageerayaasha ay kooxdu ledahay tusale ahaan manchester united, real madrid iyo Barcelona waa kooxaha kaliya aysan marna dhicin in garoonkodu marnaado sido kale waxaad arkaysa in mararka qaar kooxuhu ay wayneyaan garoonka ay ku ciyaraan ama garoon weyn dhistaan.
5.liciensing rights kooxaha caalamka waxay leyihiin meelo u gara oo dhaqaale kaso galo sida carwooyinka dharka kooxdu ku ciyaarto lagu iibiyo, Qalabka ay kooxdu ku ciyaarto iyo xarumo kale. Haddaba kampani kasta oo doonaya inu gado dharka iyo qalabka ay kooxdu ku ciyaarto waa inay ogalaasho ka haysataan kooxda marka iska leh qalabka iyo maalyadaha ay gadayaan taaso keenaysa in kooxdu cida ay u ogalaanayso inay funaadeda gadaan ay heshiish lagaraan, isla markaana u kampanigu lacag bixiyo.
6.Broadcasting rights and Tournaments Prize money Tv yada tabiya horyaalada waa in ay ogalaansho ka haystaan kooxaha tusaale ahaan waxa bilowday horyaalka Soomaalia ee Somali Primier league waxaa jira Tv yo badan oo ka shaqeeya tabiinta iyo soo gudbiinta ciyaaraha. Tusaale ahaan aan soo qadano Astan Sports. Marka u bilowdo horyaalku waa ay labaatanka koox ee ciyaaraya horyaalka ay ka haysato ogalaasho ay ku tabiso ciyaartoda taso keenaysa inay heshiish la garaan kooxaha horyaalka ciyaaraya, dhaqaalaha u tv gu bixinayo wuxu ku xiran yahay kaalinta ay kooxdu gasho tusaale ahaan kooxda horyaalka qaaday waa Horseed waxay Astan Sports siinaysa lacag gaaraysa 20 milyaan halka kooxda horyaalka ugu hooseysa ay siinaya waxan lacag dhan 1 milyaan waa habka ugu fudud ee kooxuhu dhaqaale ku helaan.
W/Q: Abdihafid Hashi Mohamed Hambo.
Mahadsanidiin.
\B
Comments
Post a Comment