Skip to main content

SIDE LOO HELI KARA DHALINYARO TAYO LEH.

    Qormadaan kooban waxaan ku falanqeyn doona sida loo heli karo dhalinyaro tayo leh
Oo diintoda, dalkooda iyo dadkooda wax tara. Sido kale waxaan ku eegi doona 
doorka ay dhalinyarada Soomaaliyed ka qaadan karaan dhismaha wadanka, amniga iyo hal-abuurka.


Waa maxay dhalinyaro?.

    Waa wakhti wakhtiyada ugu muhiimsan ee qofka bini'aadamka uu soo maro
waa wakhtiga aan oran karno waa casriga dahabiga. waa wakhti aan oran karno waa xiliga ay soo baxdo qofka awoodisa jir ahaneed, xirfadiisa, Hal-abuurkisa iyo kartidiisa. 

Doorka ay dhalinyarada Soomaliyeed ka qaadan karaan dhismaha wadanka.

Dhalinyaradu waa dhaf dhabarka bulshada haddaysan dhalinyaro jirin bulshadu waxba ma aysan ahateen. Markaan eegno bulshada Soomaaliyeed 75% boqolkiba waa dhalinyaro sida lagu qiyaaso maanta sida darteed dhalinyaradu waxay door muhiim ah ka qaadan karaan hormarada kala duwan ee wadanka ka jira. Haddaba suashu waxay tahay side oga qeyb qaadan karaan dhismaha wadanka?.

Markan ka eegno dhismaha wadanka maahan oo kaliya dhismayaal dhadheer ama dabakhyo dhaader in ay dhalinyaradu dhisaan ee waa in la helo dhalinyaro aqoon leh oo la timaada hab fikir wanagsan dhinac kasta, sido kale garanaysa macnaha wadaniyadu tahay, faaidada ay ledahay in degaanka laga taxadaro.
waxay kalo dhismaha wadanka kaga qeyb qaadan karaan muruqooda, kartidooda iyo xirfooda uu illahay ugu deeqay. Sido kale dhismaha wadanka waxay kaga qeyb qaadan karaan inay ka fogadaan wax kasta oo wadanka iyo qaranka dhib u keeni kara sida fikiradaha Argigixisada, Qabyaalada, Qabqablayaasha dagaal iyo in loo adeegsado wax kasta oo keeni kara in wadanku burburo.

Amniga.

Haddaba door inte leeg ayey dhalinyaradu ka qaadan karaan amniga iyo in bulshadu heshu xasilooni
  iyo nabad. Waxay dhalinyaradu kaga qeyb qaadan karaan in la shaqeyaan lamaha amniga sido kale ay so shegaan wax kasta oo khalkhal galin kara aminiga.
dhamaan dhalinyarada ku jirta qaybaha kala duwan ee ciidanka waa inay wadanka ugu shaqeyaan si daacada oo wadaniyad ku jirto wayo bulshada waxa ku jira qoskiisa. Askariga dhalinyarada waa inu ogaada inu yahay badbaadiyaha iyo burburiyaha bulshada.

Hal-abuurka 
 
  Dhamaan Bini'aadamku wuxu leyahay hal-abuur taaso ah mid dabiici ah uu illahay qofka ugu deeqay iyo mid u qofka isagu la yimaado marka. Haddaba hal-abuurka wuxu noqon kara mid suugaan, ganaacsi iyo amni. lakiin mararka qaar waxa dhici karta qofka hal-abuurka leh inay soo wajahaan caqabado sida inu waayo cid dhirigalisa ama garab istagtaada. bulshada aan ku nool nahay waxa jira in ka badan boqolaal kun oo qof oo hal-buur leh kuwaaso waayey cid garab qabata. Haddi ay dawladu tageerto ama aan muhiimada siino dhalinyarada hal-abuurka leh runti waxaan helayna fikrado hormarin kara bulshadena.
                                                                                                                             Date: 16.10.2022
                                                        Dhamaaad.

Comments